Dowladda Soomaaliya oo taageero balaaran ka dalbatay Waddamada Carabta (Sawirro)

Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa hadal ka jeediyay kulanka wadatashiga ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed oo shalay ka furmay Caasimadda Lubnaan ee Beyruut , isagoo diiradda ku saarray khudbaddiisa xaaladda bani’aadannimo, siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo mowqifka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee taaggan.

Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa hoggaaminayay Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirka Wadatashiga oo looga dooday gogol-xaarka Shir Madaxeedka Carbeed ee la filayo inuu ku qabsoomo dalka Aljeeriya horaanta bisha November, waxaana wafdigiisa ka mid ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan la tacaalidda xaaladda abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar Abuubakar.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqay dowladaha carbeed inay taageeraan Soomaaliya si loo xakameeyo abaarta soo noq-noqotay iyo inay maalgeshi toos ah ku sameeyaan dalka si loo gaaro kobac dhaqaale , una kordho wax-soo-saarka beeraha , iyadoo la ogsoonyahay in dalku ka jiraan abaaro daran iyo dhibaato ka dhalatay cunno yarida oo ay sabab u tahay sare u kaca qiimaha shidaalka , cunnada iyo badeecadaha.

- Advertisement -