Ogow, 6 Guul oo Madaxweyne Xasan Shekeh kala soo laaban doono Booqashada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u doortay in Dalka Imaaraadka Carabta uu noqdo dalkii ugu horeeyay ee uu ku aado booqashadiisii ugu horeeysay ee uu dibadda dalka u baxo laga soo bilaabo doorashadadiisii 16 May 2022, waxaana qurbarada Xiriirka Dibadda cadeynayaan in 3 guul uu ka gaari doono Madaxweynaha Booqashadiisa Dalka Imaaraadka Carabta.

Guusha Kowaad ayaa ah “Guul Maaliyadeed” oo la filayo in Madaxweynuhu kala soo laabto Dalka Imaaraadka Taageero Maaliyadeed oo aad u badan kaasoo labo qeyb noqon doono kan hore waa Kabka Miisaaniyada Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha iyo Kooxdiisu cabsi badan ka qabaan in 2 kab miisaaniyadeed meesha ka baxaan kuwaas oo kala ah Kabkii laga heli jiray dalka Qatar oo loo saadaalinayo in xiriirkeedii uu hoos u dhacayo oo ay joojin doonto Kabkii Miisaaniyada Soomaaliya oo ku dhawaa 5 Milyan oo Doollar Bishii,  iyo Dalka Turkiga, oo mararka qaar kabi jiray Miisaaniayda Soomaaliya.

Guusha labaad ee maaliyadeed ayaa ah Kaalmo Lacageed aan la shaacin oo aanan Bankiga dhexe ee Soomaaliya soo marin oo badanaa  la aaminsan yahay in Dowladda Qatar ay ku kaalmeeyn jirtay Madaxweyne Farmaajo taas oo 2 sano ee ugu horeeyay 5 tii Sano ee dalka uu xukumayay ay kooxdiisa u adeegsan jirtay laaluushka Xildhibaanada oo qaarkood si joogta ah bishii loo siin jiray 5 kun oo dollar, lacagii loo adeegsaday ridistii Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xaaf, kala furfurkii Ahlusunna, Doorashadii Puntland isku daygii ridistii Axmed Madoobe.  Sidii si la mid ah ayaa la filayaa in Dowladda imaaraadku ay u balan qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Taageero aan toos ahayn oo ay ku fuliyaan saameyn siyaasadeed.

Guusha weyn ee saddexaad ayaa waxay tahay in Imaaraadka Carabta ay dowr weyn ka qaadato taageerada Ciidamada Qalabka sida, oo ay ka qeyb qaadato Mushaaraadka Ciidamada, qalabeynta, Caafimaadka,  iyo dhismaha Xerooyinka Ciidamda Qalabka Sidda, Khubarada Amniga ayaa aad u aaminsan in ka mid ahaanshada wafdiga Madaxweynaha uu ka mid yahay Agaasimaha Cusub ee Hay’adda NISA  Mudane Mahad Salaad, ay daliil cad u tahay in Imaaraadka laga filayo Taageero aad u balaaran oo dhanka Amniga ah si dowladda Soomaaliya u yeelato ciidamo tayo leh oo guulaha ka soo hooyo dagaalada lagula jiro Ururka Alshabaab.

Wararka ay helayso All banaadir ayaa shaacinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu aad u doonayo in weeraro waaweyn lagu qaado ururka Alshabaab si uu u gaaro guulo waaweyn oo uu kaga gedis yahay Madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed C/laahi Farmaajo oo aan runtii wax weyn oo guula ah ka soo hoyn ama dagaal aanan ku qaadin 5 tii sano ee uu Villa Soomaaliya fadhiyay.

Guusha Afaraad ee weyn ee laga filayo in madaxwyene Xasan Sheekh uu ka soo hooyo Booqashadaan uu ku tagay Dalka Imaaraadka ayaa ah  in Madaxweyne Xasan uu soo celiyo xiriirkii dhaqaale ee u dhaxeeyay Imaaraadka Carabta iyo Dalka Soomaaliya iyadoo u ahayd Ganacsiga Soomaaliya Sambabo uu ka neefsado, ganacsatada Soomaaliyana ay sanadihii danbe culeys kala kulmayay dalku galka ama visada imaaraadka iyo iqamaada ama ogolaansha dal joogista, waxaa intaa dheeraa in ganacsato soomaaliyeed ama laga soo masaafuriyay Imaaraadka ama ayba ku xiran yihiin, Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu ku guulesyto in uu arimakaas la xiriira ganacsada iyo ganacsiga Soomaaliya iyo Imaaraadka u dhexeeyo fududeeyo,

Guusha Shanaad ayaa waxay tahay  in  Madaxweyne Xasan Sheekh  uu Imaaraadka ku dhiiri gelin doono  in ay maalgashi ku yeeshaan Dalka Soomaaliya, taasoo dowr weyn ka qaadan doonto shaqaaleysiin dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaana xusid muddan in la filayo Muddo xileedkan Madaxweyne Xasan Sheekh uu albaabada u furi doono shaqaaleysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed taasoo xirneyd 6 sano oo la soo dhaafay iyadoo la tixgelinayay tilmaamaha Bankiga Aduunka.

Guusha lixaad ee la filayo in uu la soo laabto Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in Dalka Imaaraadka Carabta uu ka ogolaado in uu dhaafay Deynta Soomaaliya uu ku leeyahay iyo in uu Imaaraadku ay hormuud ka noqdaan qancinta Saaxiibadeeda Carabta gaar ahaan Boqortooyada Sucuudiga, Kuweyt iyo dalalka Carabta ee kale in ay ka cafiyaan Soomaaliya Deymaha ay ku leeyihiin taas oo wax weyn ka tari doonto guud ahaan in ay yaraato deynta Soomaaliya lagu leeyahay ee gaaraysa 5 Milyan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -