Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalo katirsan dalka Koonfur Afrika

Waxaa sii kordhaya dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesanayo deegaano katirsan dalka Koonfur Afrika, waxaana dilalkan cabsi badan ku abuureen Soomaalida dalkaasi ganacsiyada ku leh.

Kooxo burcad madow oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa saakay xaafada Wesbank ee katirsan magaalada Cape Town ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Cabdi Sheekh Maxamed.

Sida aan wararka ku helnay muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa la weeraray kadibna la dilay xilli uu gaari ku wareejinayay rooti, waxaana burcada dilka geesatay la sheegay in aysan wax dhac u geesan muwaadinkaasi Soomaaliyeed iyo gaarigiisa.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa dilka kaddib gaaray goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliya, ciidamada ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan burcadii dilkaasi ka dambeesay.

Magaalada Cape Town ayaa noqotay meesha ugu daran ee muddooyinkan dambe lagu beegsado muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana maalmihii lasoo dhaafay deegaano hoostaga magaaladaasi lagu dilay in ka badan shan wiil oo Soomaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Madaxweyne oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaallo Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Somaliland oo ka carootay haddalo kasoo yeeray dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Sadex Talaabo oo fashilin karta Qorshaha Farmaajo ee Xukun jaceylka oo lasoo bandhigay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---