Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo guddoomiyay Shir arrimo Muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada, wax ka bedel lagu sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xaaladda Abaaraha oo Guddi loo saaray.

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban Wasaaradaha si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay.

Golaha ayaa wax ka bedel ku sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana degmooyinka kala ah Bareedo, Carmo, Boocame, Xiingalool iyo Xarfo oo awal ahaa heerka saddexaad (C) loo dalacsiiyey heerka labaad ee degmooyinka Puntland (B).

 

 

Related posts

Dil ka dhacay gudaha Hotel kuyaalla Hargeysa iyo ninkii ka dambeeyay oo lasoo qabtay

Cabdi Cade

Booliska dowlada Kenya oo gacanta ku dhigay Sadia Matani iyo faahfaahin laga bixiyey

Caydiid Ali

Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisay iyo Muuse Biixi oo xariga ka jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---