Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Afar qof oo Isku Qoys ah oo ku dhintay Biyo xireen ay Sawir isaga qaadayeen

Afar qof oo isku qoys ah una dhashay dalka Hindiya ayaa ku dhintay biyo xireen ay sawirro xusuus ah isaga qaadayeen, waxaana dadka dhintay ku jirtay haweeney dhawaan aroos gashay.

Dadka dhintay iyo labo qof oo kale oo bad baaday ayaa la sheegay in iyaga oo gacmaha is heesta sawirro iska qaadayeen, waxaana si lama filaan mid kamid ah ugu dhacay mool isagoona sii jiitay dadkii kale ay gacmaha is heesteen.

Ninka qabay gabadha aroosada aheyd ee geeriyootay ayaa ka bad baaday mashaqada uu ku waayay xubno kamid ahaa qoyskiisa, waxa uuna ninkan ku guuleestay in uu bad baadiyo walaashiis oo halis iyana u gashay geeri.

Dalka Hindiya ayaa noqday halka ay ku dhintaan dadka ugu badan iyaga oo sawirro iska qaadaya gaar ahaan sawirada loo yaqaan selfie ,waxaana dalkaasi lix sano gudaheed iyaga oo sawiro iska qaadayay geeriyooday dad gaaraya 259 oo qof .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo soo riday dayuurad ay leeyihiin Milateriga dalka Iiraan

Caydiid Ali

Tirada Soomaalida Yurub ugu dhimaneysa Caronavirus oo sii kordhaya

Cabdi Cade

Muxuu ka dhigan yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia & Masar?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---