Allbanaadir.com
NEWS

Kulan deg deg ah oo looga hadlay afar qodob oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda  Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay .

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay
Guddigii Wasaariirada ahaa ee loo xilsaaray fatahaada Gaalkacyo iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, Iyadoo Kulanka ay sidoo kale ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka waxaa looga hadlay:

1. In magalaada biyaha laga saaro.
2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa.
3. Sidii loogu gargaari laha dadka waxyeeladu kasoo gaartay.
4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa muujiyey sida dhow ee Dowladdu ula socoto xaaladda Roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo, iyadoo hore Dowladdu Guddi Wasiiro ah u dirtay Gaalkacyo, hadana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee kajirta.

 

Related posts

Midawga Musharrixiinta oo fariin adag u diray Farmaajo, Shacabka iyo Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Shan mucjiso oo lagu arkay dhul gariirka ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo ballanqaad u sameeyay Dadka deegaanka Baxdo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---