Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Guddoomiye hore Maxamuud Maxamed Nuur

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska qaraabada, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marxuum Maxamuud Maxamed Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Maxamuud Maxamed Nuur uu u soo adeegay qaranka Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiyahii Bankiga Horumarinta Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo nasiibdarro weyn ku tilmaantay hees laga soo qaaday Hargeysa

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Mr. Workneh Gebeyehu? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo Hanjabaad culus hawada marsiiyay isaga oo aad u careesan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---