Aadan Madoobe oo keenay qorshe Xildhibaanada mar kasta ku imaan karaan kulamada golaha

Kulamo xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya yeelan lahaayeen ayaa dhoor mar u baaqday kooram la’aan, waxa ayna taasi ka careesiisay guddoonka golaha shacabka .

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa qaar badan oo kamid ah ku maqan yihiin fasax la’aan dalka dibadiisa halka kuwa kalana ay joogaan magaalada Muqdisho balse aan xaadirin kulamada golaha leeyihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in hadda kadib lala xisaabtamayo xildhibaanada aan imaan fadhiya baarlamaanka cudur daar la’aan iyo fasax.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in gunno fadhi oo lacago lagu siinayo Xildhibaannada lagu soo kordhin doono si loo helo shuruuc toos ah oo qabta Xildhibaanka , waxa ayna gunnadan xildhibaano badan ku qasbeysaa in kulamada baarlamaanka soo xaadiraan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in lacagtan ay lamid tahay mushaarka la siiyo dowladda, marka uu fadhiga tagana uu qaadanayo haddii uu maqnaadana bilaa cudur daar lala xisaabtamayo sida fasaxyada u banneenaya in uu maqnaado mudanaha balse lala ogyahay.

Xildhibaanada cusub ee golaha shacabka ayaa u badan kuwa danno gaar ah lagu soo xulay balse aan ku imaan rabitaanka dadka ay matalaan, xildhibaanada qaar ayaana kaliya baarlamaanka usoo galay xasaanad iyo arrimo kale oo iyaga u gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -