Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudulood oo taageeray Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudulood ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ay taageero ugu muujinayeen waxqabadka iyo shaqada uu hayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana ka qeyb galay munaasabada qado sharaf ah ay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Mudulood  ku taageerayeen waxqabadka muuqda uu la yimid uguna muujinayeen Garab istaaga.

Imaamka Beesha Mudulood, Ugaasyada iyo Odayaasha kale ee dhaqanka Mudulood ee munaasanada kasoo qeyb galay ayaa Ra’isul Wasaare Rooble ugu duceeyay inuu Eebbe ku garab galo, howsha doorashada dalka ee uu hormuudka u yahay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo markii hore lagu tilmaami jiray hogaamiye aan karti laheyn ayaa ugu dambeyn kasbaday taageerada bulshada Muqdisho gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo ee Hawiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -