Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo mar kale heshiis hoose gaaray

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in mar kale kulan albaabada u xirnaayeen xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash.

Kulankan labada masuul dhax maray ayaa xal looga gaarayay khilaafkii xooganaa ee u dhaxeeyay gaar ahaan go’aanadii uu madaxwreyne kuxigeenka xilalka uga qaaday saddex wasiir oo kamid ah saaxiibada Madaxweyne Deni iyo agaasimayaal .

Sida aan wararka ku helnay kulankan fool ka foolka ah ee dhax maray Deni iyo Karaash ayaa in muddo ah laga shaqeenayay qabsoomidiisa, waxaana labada masuul si laab furan ugawa wada hadleen khilaafka u dhaxeeyay.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Puntland ayaa laga soo xigtay in Deni iyo Karaash ka heshiiyeen inta badan qodobadii ay isku hayeen gaar ahaan xil ka qaadistii uu sameeyay Axmed Karaash uu ka laabtay .

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa wararku sheegayaan in uu aqbalay ka laabashada xilal uu ka qaaday wasiirro iyo agaasimayaal taa badalkeedana loo ballanqaaday xilal cusub iyo sidoo kale dhaqaale.

Kulan kale oo weyn oo lagu dhameestirayo heshiiska labada masuul ayaa la filayaa in lagu qabto madaxtooyada Garawe, waxaana kulankaasi lagu casuumi doonaa si ay heshjiiska marqaati uga noqdaan Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -