Magacaabis & isku shaandheyn lagu sameeyey agaasimeyaasha Waaxyaha gobolka Banaadir (Akhriso)

Wareegto ka soo baxday 13-2-2018 xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa isku shaandheyn iyo magacaabis loogu sameeyey Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha dowladda Hoose.

Guddoomiye Yariisow ayaa xilal cusub ku soo kordhiyay Waaxyaha, waxaana la baabi’iyay Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda oo uu Axmed Xasan Xuseen ka geeriyooday.

C/raxmaan Cusmaan Ibraahim ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee waaxda Miisaaniyadda, waxaana laga soo wareejiyey Agaasime ku-xigeenka Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee la baabi’iyay.

Sidoo kale, Madaxa Khasniyada Guud Xamdi Cali Nuur ayaa loo dalacsiiyay Agaasimaha Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose, iyadoo dhinaca kale dib loo soo celiyay Xasan Xuseen C/llaahi oo loo magacaabay Agaasimaha Dakhliyada oo horay looga qaaday xilligii Taabit uu maamulka hogaanka u hayey.

Ayaan Cabdi Maxamed oo horay aheyd xubin ka tirsan waaxda Canshuuraha dowladda Hoose ayaa waxaa loo magacaabay agaasimaha Waaxda Canshuuraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -