Golaha Wadatashiga Qaran oo caawa kulan Xasaasi ah uga socdo Muqdisho (Sawirro)

Waxaa caawa mar kale kulan isugu yimid golaha wadatashiga qaran uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, shirka ayaana caawa looga hadlayaa qodobo dhoor ah oo madaxda horey qaarkood uga doodeen.

Shirka caawa yeesheen golaha wadatashiga qaran ayaa Ra’isul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada uga arrinsanayaan dhameystirka qodobadii ay uga hadleen kulamadoodii hore .

Sida aan wararka ku helay shirka caawa ayaa golaha wadatashiga qaran diirada ku saareen qodobkii horey isugu mari waayeen sida qodobka amniga ee ku aadan in Ra’isul Wasaare Rooble lagu wareejiyo amaanka dalka iyo midka doorashada.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaana caawa mar kale dood adag ka leh qodobkan, mana jiro ilaa hada shirka ay caawa yeesheen war kasoo baxay oo ku aadan in qodobkan iyo qodabdii kale ay uga doodeen is afagrad ku dhamaaday iyo in wali khilaaf ka jiro.

Shirkii shalay saacadaha badan yeesheen golaha wadatashiga qaran ayaa isfaham daro kusoo dhamaaday kadib markii madaxda dowlad goboleedyada u kala jabeen labo garab oo kala taabacsan Farmaajo iyo Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -