Allbanaadir.com
NEWS

Qarax lagu weeraray xarun caafimaad oo kutaala Tabeelaha Sheekh Ibraahim

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay lagtu weeraray xarun caafimaad gaar ahaan goob daawooyinka lagu iibiyo oo kutaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lagu dhax qariyay Farmashiga, waxaana qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho uu dhacay xilli farmashiga shaqo ka socotay.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan miino ayaa waxaa ku dhaawacmay dhoor qof oo ku sugnaa gudaha farmashiga kuwaa oo isugu jira shaqaalaha goobtaasi caafimaad iyo sidoo kale dad daawooyin ka iibsanayay.

Wali lama oga sababta keentay in goobtan caafimaad la qarxiyo, waxaana saraakiil katirsan laamaha ammaanka ku eedeeyeen qarxaaasi in Al Shabaab ka dambeeyeen, waxa ayna xuseen saraakiisha in milkiilaha goobtaasi diiday in uu lacag bixiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo u istaagay boqolaal shacab isugu soo baxay Garoowe (Daawo Video)

admin

Saacad Duug ah uu lahaa Mahatma Gandhi oo lacag qaali ah lagu iibsaday !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxii hore ee Nabadsugidda Sacuudiga oo lagu riday xukun adag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---