Markab Xamuul oo Israel lahayd oo la weeraray, Dabna uu qabsaday

Markabka laga leeyahay Israa’il ayaa la sheegay in lagu weeraray Waqooyiga Badweynta Hindiya, sida ay sheegeen Ilo-wareedyo.
 
Markabka oo lagu magacaabo MV CSAV Tyndall waxaa la sheegay inuu lahaa Ganacsade caan ah oo u dhashay Israel.
 
Ma cadda Jihada weerartay Markabkaasi oo uu ka dul bababayey Calanka dalka Liberia, balse, Israel waxay ku tuhunsan yihiin inay Dowladda Iran ka dambeysay weerarkaasi.
 
Telefishinka Al-Maydeen ee ku hadla Codka Kooxda Xisbullaahi Lubnaan ayaa sheegtay in Markabka la weeraray uu ka soo shiraacatay Dekedda magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, kuna wajahnaa Dekedda Jabel Cali ee magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka.
 
Si kastaba ha ahaatee, Israel iyo Iran waxay horey isugu eedeeyeen weeraro loo geystay Maraakiib Ganacsi oo ay kala lahaayeen.
Bishii Feberaayo 26-da we sanadkan, Wargeyska The Wall Street Journal ee Maraykanka laga leeyahay waxa uu qoray inay Israel weerareen ugu yaraan 12 Markab oo Iran lahayd oo Shixnad Shidaal u waday dalka Syria.
 
Sidoo kale, Iran waxay Miino la beegsadeen dhowr Markab oo ay Israel leedahay oo uu ka mid ahaa MV Helios Ray.
W/Q Ustaad Nuuradiin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -