Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada oo galabta lagu soo gebagebeynayo Muqdisho

Waxaa maanta gelinka dambe lagu soo gabagabaynayaa Magaalada Muqdisho tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha dowlad goboleedayda Soomaaliya.

Waxaa ciyaarahan oo si habsami leh uga socday garooonka Konis Stadium ka qeyb qaatay lix kooxood oo kala metelayey shanta Maamul goboleed ee dalka iyo gobolka Banaadir.

Tartankan ayaa waxaa isugu soo haray kooxaha kubadda cagta ee Puntland oo koobkan loo tartamaya haysata iyo kooxda Jubaland oo tartankii hore laga qaaday.

Puntland waxa ay rajaynaysaa inay difaacato koobka halka Jubaland ay ku taamayso inay dhulka dhigto Puntland kana aarsato guuldarradii hore.

Ciyaarta galabta oo ah mid aad u xiise badan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda sare ee dowlada qaarkood oo koobka horyaalka ciyaaraha dowlad goboleedyada gudoonsiin doona kooxdii guuleysata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -