Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray magaalada Muqdisho

Kooxo aan heebtooda la garan ayaa xalay bambaano ku weeraray guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Jibriil C/rashiid Xaaji oo katirsan Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Guriga Xildhibaanka oo kuyaalla xaafada Taleex ee degmada Hodan ayaa xalay bambaano lagu tuuray, waxaana bambaanada lagu weeraray guriga xildhibaanka khasaaro dhaawacyo ah kasoo gaareen qaar kamid ah ilaalada Xildhibaanka.

Ciidamo katirsan booliiska saldhiga degmada Hodan ayaa gaaray guriga xildhibaanka ee xalay bambaanada lagu weeraray, lamana sheegin cid ay ciidamada ammaanka usoo qabteen weerarkaasi.

Xildhibaanka xalay gurigiisa lagu weeraray ee Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa kamid ahaa xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo kasoo goostay Al Shabaab kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo magacaabay Guddi ka kooban shan xubnood

Caydiid Ali

Sultan Ibrahim oo aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---