Allbanaadir.com
NEWS

Sultan Ibrahim oo aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Somalia

Boqorka dalka Malaysia oo warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalkaas.

Safiirka Soomaaliya ee dhawaan loo magacaabay dalka Malaysia, Danjire Cali Maxamed Abukar ayaa maanta si rasmi ah waxaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday dhismaha boqorka ee Istana Negara.

Danjire Cali Maxamed Abukar, ayaa sheegay in uu ku dadaali doono sare u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia.

Safiirka cusub ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya iyo Malaysia ay yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo badan taabanaya, si loo xoojiyo arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreeyaan waxbarashada, horumarinta xirfadaha, ganacsiga, dhaqanka iyo is dhexgalka bulshada.

Malaysia oo ah dal ku yaalla koonfur bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey shacab ku dhamaaday qaraxii ka dhacay Baydhabo

Caydiid Ali

Kulan ka dhacay Muqdisho oo baaq Deg deg ah laga soo saaray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo wafdigii u horeeyey u diray Afghanistan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---