Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad dadkeeda ka codsatay in ay iska yareeyaan Cabista Shaaha iyo Hal Sabab oo keentay

Dowladda Pakistan ayaa ka codsatay shacabka dalkaasi in ay yareeyaan cabidaa badan ee shaaha si loo yareeyo qarashka faraha badan ee dalkaasi uga baxa soo iibsashada caleenta shaaha laga sameeyo.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Pakistan oo lagu magacaabo Axsaan Iqbaal ayaa sheegay in caleenta shaaha ee la keeno dalka Pakistan ay ku baxdo lacag aad u fara badan, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay iska yareeyaan cabidda badan ee shaaha.

‘Cabidda laba koob ama hal koob maalintii waxay hoos u dhigeysaa dhaqaalihii badnaa ee Pakistaan uga bixi jiray soo dhoofinta shaaha, waxaan ka codsanayaa shacabka inay yareeyaan cabidda badan ee shaaha, sababtoo ah deyn ayaa kusoo dhoofsanaa caleenta shaaha”  ayuu yiri Wasiir Iqbaal.

Dalka Pakistan ayaa lagu tilmaamaa dalka ugu badan ee loo soo dhoofiyo caleenta shaaha, waxaana Pakistan sannadkii hore kaliya caleenta loo soo dhoofiyo ku baxday lacag gaareysa $600 malyan oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Galmudug oo heshiis Is faham ah gaaray iyo Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyay

Cabdi Cade

Sheekh Mukhtaar Roobow oo Xabsiga laga sii deynayo iyo Qoyskiisa oo War farxad leh helay

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha shacabka oo galay fasax labo todobaad ah (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---