Taliyihii Booliiska ee magaalada Qardho oo la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in saakay magaaladaasi kooxo hubeesan ku dileen taliyihii ciidamada booliiska Qardho Cumar Hiiraad Kaatuun.

Taliyaha booliiska Qardho iyo ciidamo uu watay ayaa xilliga la dilayay ku jiray howlgal ay kula dagaalamayeen kooxaha isticmaala iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, kuwaa oo dagaal kala hortagay ciidamada booliiska.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka loo geestay taliyaha booliiska Qardho, waxa uuna sheegay guddoomiyaha in ay socdaan baaritaano dibna laga faah faahin doono dilka loo geestay taliyaha.

Ciidamada booliiska magaalada Qardho ayaana dilka kadib qaaday tallaabooyin degdeg ah, waxa ayna ciidamada xireen qaar kamid ah dadkii lagu tuhmayay dilka saakay loo geestay taliyihii booliiska magaalada Qardho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -