Kheyre “Soomaalida dhibaataa haysato runtaa la isu sheegin, laakiin anaa hada runta idiin sheegaya,

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta mar kale ka hadlay cabashada kasoo yeereysa qaar kamid ah ciidanka Milatariga Soomaaliya, kuwaa oo sheegay in aysan wax mushaar ah qaadan mudo dhowr bil ah.

Kheyre ayaa sheegay in ay dowlada bixiso mushaaraadka ciidanka dowlada ee diiwaangashan, waxa uuna cadeeyay in askari walba mushaarkiisa lagu siinayo goobta lagu diiwaan galiyay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in askari walbo oo diiwaangashan looga baahan yahay in uu joogo halka lagu ogyahay, waxa uuna sheegay in askari kasta uu helayo mushaarkiisa iyo raashiinkiisa .

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Kheyre waxa la isku heesto in ay tahay in ay dad doonayaan in ay qaadaan mushaaraadka ciidanka , waxa uuna sheegay in uusan taasi yeeli doonin inta uu xilka hayo.

”Askari walbo waxaa laga rabaa in uu joogo halka lagu diiwaan galiyay ,askari walbo waxa uu xaq u leeyahay in dowlada ka helo mushaarkiisa iyo raashiinkiisa iyada oon loo dhaxeyn, waxaa la isku hayaa in dad doonayaan in mushaarka ciidanka qaadaan , taasi ma dhici doonto inta aan xilka hayo” Ayuu yiri Kheyre.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa isweediiyay sababta ay ciidanka Milatariga u kala tagi waayeen ama u gadoodi waayeen sanadihii hore xiligi ay mushaarka ka maqneyd mudo 9-bilood ilaa sanad ah.

“Kuwaa waxay leeyihiin labo bilood oo wax la saxaayo ayaa mushaaraadka naga maqan yihiin maxay u kala tegi waayeen xilli ay ka maqneyd sagaal bilood iyo muddo sanad ah aysan mushaar qaadan, Soomaalida dhibaataa haysato runtaa la isu sheegin,laakiin anaa hada runta idiin sheegaa, ciidanka in la saxo qasab waaye,culumaday qasab ku tahay,siyaasiyintay qasab ku tahay.”ayuu yiri Rra’iisul wasaare Kheyre .

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliyeed ay kasoo baxeen jiidaha hore iyaga oo ka cabanaya in aysan mushaar qaadan mudo afar bilood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -