Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi & danjire Nicholas Haysom? (Daawo Sawirro)

Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Haysom ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Mr. Haysom ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka ay Somaliland la leedahay Soomaaliya, xoojinta wada shaqeynta Somaliland iyo QM iyo arrimo kale.

Sidoo kale Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa waxa looga hadlay ammaanka iyo horumarka gobolka iyo khilaafka dhawaanahan u dhexeeyay Puntland iyo Somaliland iyo xalinta dagaalka Tukaraq.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa horey u booqday Magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba, Garoowe iyo qaar kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maamulka Bankiga dhexe oo War ka soo saaray Dabkii qabsaday xarunta Bankiga (Akhriso)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo ka hadlay dagaalkii Coosweyne, fariina u diray ciidanka XDS

Caydiid Ali

Shirkadda dayuuradaha ee Emirates oo beenisay war ka soo baxay Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---