Soomaali ku gubtay gaari uu watay oo meydkiisa laga helay gobolka Minnesota

Waxaa gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka laga helay meydka qof Soomaali ah oo baabuur ku dhex gubtay kaasoo aan weli la shaacin magaciisa.

Lama oga in si ula-kac ah dabka loo qabadsiiyay iyo in kale, laakiin bulshada Soomaalida ayaa hey’adaha amaanka oo kiiskan gacanta ku haya ku cadaadinaya in ay si dhab ah u baaraan.

Arrintan ayaa timid xilli isla toddobaadkan wiil Soomaali ah oo muddo kooban la la’aa meydkiisa laga helay wabiga Mississippi.

Sidoo kale wali lama xaqiijin in wiilkan si bareer ah loo dilay iyo in geeridiisu ay shil ahayd waxaana socda baaritaano la xiriira

- Advertisement -