(Sawirro) Guddoomiyaha Aqalka sare oo la kulmay C/kariin Muuse Qalbidhagax

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta la kulmay C/kariin Muuse Qalbidhagax oo ka mid ah saraakiisha ururka ONLF.

Qalbi-dhagax ayaa dhowr sano ka hor DF waxay u gacan gelisay dowlada Itoobiya, waxaana la sii daayey markii uu talada Itoobiya la wareegay RW Abiy Ahmed, waxaana mudooyinkan uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa kulankaasi ka dib baraha bulshada bulshada ku faafiyey qoraal uu kaga hadlay kulankaas oo sidan u qornaa:-

Waxaa maanta gurigayga igu soo booqday Cabdikariim Muuse “Qabi-dhagax” oo ka mid ahaa hogaanka Ururka Gobonimo doonka ah ee ONLF, isla markaana si sharci darro ah Dowladdii hore ugu dhiibtay Dowladda Federaalka Itoobiya balse Xukuumaddii Xil-gaarsiintu ay raali galin ka bixisay arrintaas sharci darrana ku tilmaantay.

- Advertisement -