DEG DEG: Kenya oo shaacisay in loo fasaxay ganacsigii Qaadka ee Somalia

Dowlada Kenya ayaa shaacisay in dib loo fasaxay ganacsigii Qaadka ee ay u dhoofin jirtay Soomaaliya ka dib heshiis ay la gashay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa sheegay in ganacsiga Qaadka ee Somalia dib loo bilaabi doono todobaadyada soo socda sida ay qortay Jariidada Daily nation ee ka soo baxda Nairobi

“Kenya ayaa dib u bilaabi doonta dhoofinta qaadka ee Soomaaliya labada toddobaad ee soo socda gudahood” ayuu yiri Mr Munya oo intaas ku daray in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu heshiis la galay Soomaaliya.

Dowlada Somalia ma xaqiijin warkan hase ahaatee Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb galeysay xaflada caleemo saarkiisa oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho. kuwaasoo uu ku jiray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dowladii uu hogaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa labo sano ka hor joojisay ganacsigii Qaadka ee Kenya ka dib xurguf siyaasadeed oo soo kala dhex gashay labada dowladood ee Somalia iyo Kenya taasoo salka ku heysay dacwadii badda.

Somalia ayaa waxaa hadda la keenaa Qaadka hareeriga ee ka baxa Itoobiya kaasoo qiime ahaan ka qaalisan Qaadka ka baxa Kenya.

- Advertisement -