Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isul Wasaaraha Masar oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa Muqdisho u yimid si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta ka dhaceysa teendhada Afisiyooni.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mudane Mustafa Madbuuli oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa waxa aka qeyb galaya madax kala duwan oo lagu casuumay iyo masuuliyiin Soomaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Runta u sheegay Xaaf ” Hadii han siyaasadeed kaaga jiro Galmudug tartanka soo gal”

Cabdi Cade

Mareykanka oo sheegay inuu sii yaraanayo dulqaadkii uu u hayey hab dhaqanka Israel

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Qarax gaari laga soo buuxiyey oo ka dhacay Magaalada Alexandria

Caydiid Ali
Taboola Ads ---