Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan dowladda Imaaraadka oo Muqdisho soo gaaray iyo Rooble oo soo dhaweeyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho .

Wasiirkan ka socda dowladda Imaaraadka ayaa Muqdisho u yimid si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale kusoo wajahan Madaxweynayaal iyo masuuliyiin kale oo maanta ka qeyb galaya Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

Magaalo ku taalla dalka Jarmalka oo laga qaxay & Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Boqortooyada Sacuudiga oo taageero afka baarkiisa ah u muujsay shacabka Falastiin

Caydiid Ali

DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Istanbul iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---