Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed .

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka mid ah madaxda caalamka socda ee dalka u yimid ka qeyb galka xafladda caleemosaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta dhaceysa.

Munaasabada Caleemo saarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madaxweynayaal ,Ra’isul Wasaarayaal ,Wasiiro iyo madax kala duwan oo ka kala socota qaar kamid ah Waddamada Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -