Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Amb. Mohamed Rashid (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe ayaa gurigiisa ku qaabiley danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Mohamed Rashid.

Safiirka dalka Jabuuti ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan isagoo la wadaagey xirirka walaltinimo ee Inaga dhexeeya iyo sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen labada Baarlamaan ee Labada Dal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka  mudane Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahadceliyey booqashada danjiraha ayaa ku amaanay xirirka walaaltino ee labada dal iskaashiga iyo wax-wada qabsiga shacabka iyo dowladba.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah denjirayaasha waddamada Caalamka u jooga Soomaaliya ,kuwaa uu kala hadlay xiriirka labada dal iyo sidii baarlamaanada dalalkooda ula shaqeyn lahaayeen kan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -