Madaxweyne Laftagareen oo magacaabay Shan Wasiir oo cusub (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay shan wasiir cusub oo kamid noqonaya golaha wasiirada maamulkiisa.

Wasiiradan cusub uu magacaabay Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu bedelay wasiiro horey uga tirsanaa maamulka balse kamid noqday xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen wasiirada uu magacaabay ayaa kala ah

1-Cabdullaahi Xaaji Xasan Wasiirka arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo Dib u heshiisiinta

2-Cali Cabdi Macalin Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga dhaqaalaha Koonfur Galbeed

3-Maxamed Isaaq Cabdi Wasiirka Amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed

4-Xasan Cabdinuur Aadan Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

5-Sandheere Maxamed Iftiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada dhirta iyo Daaqa.

Wasiiradan cusub uu magacaabay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in dhawwaan la dhaariyo sidoo kale si rasmi ah xilalka ula wareegaan, waxa ayna wasiiradan buuxinayaan boosaskii ay baneeyeen wasiirada Xildhibaanada noqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -