Dad badan oo ku dhintay roob xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Qardho

Waxaa xalay Roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Qardho iyo duleedkeeda sababeen khasaaro badan oo isugu jira dhimasho , dhaawac iyo mid maaliyadeed oo soo gaaray dad kunoolaa magaalada Qardho.

Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Qardho iyo duleedkeeda ayaa sababay in biyo badan kusoo rogmadaan magaalada , waxaana daadadka roobka ka dhashay ay qaadeen guryo, goobo ganacsi iyo gaadiid kala duwan.

Waxaa la xaqiijiyay ilaa hada dad gaaraya ilaa 6-qof oo u badnaa caruur iyo haween in ay ku geeriyoodeen daadadka magaalada kusoo fatahay,waxaa sidoo kale baadi goob xoogan loogu jiraa dad iyana nolol iyo geeri aan wali la heyn.

Biyaha roobka ayaa sidoo kale saameyn badan ku yeeshay suuqa weyn ee magaalada Qardho, waxaana saakay ceyrtoobay ganacsato badan kadib markii biyo badan galeen goobahooda ganacsi ayna kasoo gaartay khasaaro xoogan.

Maamulka magaalada Qardho iyo ciidamada ayaana wada gurmad loo sameenayo dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay daadadka magaalada kusoo rogmaday, waxaana saakay magaalada Qardho ka jirta xaalad adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -