Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay khilaaf ka dhex aloosan Xiriirka K/Cagta

Dowlada Somalia ayaa soo fara gelisay khilaaf maalmahan ka dhex taagan masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta kaasoo gaaray meel adag.

Khilaafkan ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan guddiga fulinta xiriirka Kubada Cagta oo ku jiro xoghayaha xiriirkaa ay shaaciyeen iney shaqada ka joojiyeen Cabdiqani Saciid Carab oo ah Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta.

Waxay ku eedeeyeen in Guddoomiyaha ku takri fal awoodeed, musuqmaasuq iyo maamul xumo inkastoo Cabdiqani Saciid Carab uu ku gacan seyray xilka qaadista iyo eedeymaha loo jeediyey.

Wasiirka Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa guddi u magacaabay xal ka gaarista khilaafka ka dhex jira xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa oo sidan hoose u qorneyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ergey cusub u soo magacaabay Somalia

Caydiid Ali

Gudoomiye Jawaari Sadexdan Talo Midkood ha qaato si xal looga gaaro Mooshinka 

Cabdi Cade

Labo qarax oo caawa ka dhacay Guri uu degan yahay Sarkaal ka tirsan ciidanka DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---