Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland (Wareegto)

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayuu ku magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Jubbaland.

Wasiirka cusub ee maaliyadda maamulka Jubbaland ayaa loo magacaabay Axmed Cabdirisaaq Maxamed oo kamid ahaa aqoonyahanada kasoo jeeda Jubbalanad, waxa uuna masuulkan aad ugu dhaw yahay madaxweynaha.

Halkan ka akhriso wareegtada magacabaista

Tix-raac: XM/DGJS/022/2023 kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa 4aad ,Qodobka 72aad, Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed Wasiirka Wasaaradda Maaliyada yo Hormarinta Dhaqaalaha.

Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa mark uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -