Soomaali kasoo carartay Colaada dalka Yaman oo soo gaaray Boosaaso (Daawo Sawirada)

Dekadda magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland waxaa kusoo xiratay dooni ay la socdeen Soomaali badan oo kasoo carartay colaada wali ka aloosan dalka Yaman.

Soomaalidan kasoo carartay Colaada ka aloosan Dalka Yaman waxaa magaalada Boosaaso kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Maamulka Punland iyo qaar kamid ah Hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Puntland.

Qaar kamid ah dadkan dalkooda dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in dhibaatooyin badan kula kulmeen dalka Yaman, waxa ayan tilmaameen in ay sii xumaatay xaalada nololeed ee ka jirta Yaman.

Dalka Yaman ay kunoolaayeen qaxooti badan oo Soomaaliyed ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka kunool dalkaasi, waxaana horey dadkaasi uga soo qaxay inta badan Soomaalidii kunooleed oo Dalka kusoo laabtay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -