Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xukun adag oo lagu riday askar u dhalatay dalka Ruushka oo lagu qabtay Ukraine

Maxkamad kutaalla dalka Ukraine ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday labo askari oo u dhalatay dalka Ruushka, kuwaa oo gacanta lagu dhigay xilli ay dagaal kula jireen ciidamada difaaca dalka Ukraine.

Labada askari oo lagu kala magacaabo Alexander Bobikin iyo Alexander Ivanov ayaa qirtay in ay qeyb ka ahaayeen duullaanka ciidamada Ruushka kusoo qaadeen dalka Ukraine kana qeyb galeen dagaalo dhoor ah oo dhacay.

Askartan ayaa katirsanaa cutub qaabilsanaa dhinaca duqeymaha madaafiicda, waxa ayna qirteen in ay galeen dambiyo dagaal qeybna ka ahaayeen duqeymo loo geestay iskuul ku yaalla waqooyi bari gobolka Kharkiv.

Qareenada u doodayay labadan askari ee Ruushka u dhashay ayaa ku dooday in ragan ay fulinayeen awaamiirta madaxdooda ciidamada, laguna qasbay inay dambiga galaan, waxaana dooda qareenka diiday maxkamada kiiskan askartan gacanta ku heysay.

Maxkamada kutaala dalka Ukraine ayaana ugu dambeyn ku riday Alexander Bobikin iyo Alexander Ivanov xabsi ciidan oo min 11-sanno iyo bar ah, waxa ayna maxkamadeyntan noqotay tii labaad ee ka dhacday Ukraine tan iyo markii Ruushka ku duuleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo lagu Soo Dhaweeyay Khartuum

Cabdi Cade

Fardowso Qanyare oo nuqul kamid ah Warqadaha Danjirenimo gudbisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar oo shaqada laga joojiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---