Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay geerida Shiikh Cali Warsame

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Somalia Sh. Cumar Cali Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Cali Warsame.

Allah ha unaxariistee Sheikh Cali Warsame oo kamid ahaa culimadda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday dalka Urdun, isagoo muddooyinkii dambe la ildarnaa Xanuuno hayay.

Wasiirka ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu janadii fardowso ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

“Sheekh Cali, waxa uu si weyn uga soo horjeeday fikirka qaloocan ee Kooxaha Xagjiriinta ku banaysteen dhiiga dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka

Sheekh Cali waxaa lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa culimadii ugu horraysay ee Soomaaliya keenay fikirka loo yaqaanno Salafiga oo ujeeddadiisu tahay in dib loogu noqdo nidaamkii saxda ahaa ee Muslimiintii ugu horraysay.

Waxa uu saidoo kale Sheekhu ka mid ahaa aasaaseyaashii iyo hoggaamiyiyeeashii ugu horreeyay ee ururka caanka ah ee Al-Islaax, oo Soomaaliya saamayn wayn ku leh.

Muddo dheer waxa uu bare ka ahaa aasaaseyaashii Jaamacadda Burco. Muddooyinkii dambese waxa uu aad uga soo horjeeday aragtiyaha xagjirka ah.

Ku dhawaad nus qarni ayuu Sheekh Cali ku howlanaa faafinta diinta Islaamka iyo la dagaallanka ficillada wax u dhimaya islaamnimada.

Waxaana la sheegay in Sheekha uu in muddo ah xanuunsanaa ka hor geeridiisa, da’diisuna waxay kor u dhaaftay 80 sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -