Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Guddoomiyaha Ururka ONLF oo muddo fog ka dib cagaha dhigay Magaalada jigjiga

Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan oo muddo fog ka dib shalay ku laabtay dalka Itoobiya ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Wafdigan oo ka soo ambabaxay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey boqolaal ruux oo ka mid ah  dadka ku nool magaalada Jigjiga kuwaasoo calanka ONLF kor u ruxayey.

Calamada ONLF iyo maamulka Soomaalida ayaa sidoo kale lagu xardhay jidadka magaalada Jigjiga Waxaa magaalada hareeyey farxad, iyadoo dhacdadan sanad ka hor ay aheyd mid aan xitaa lagu fekeri karin.

Guddoomiyaha  Ururka ONLF ayaa sheegay in halganka ay ku jiraan uu yahay mid soo bilowday xilligii Axmed Gurey uuna soconayo illaa degaanka Soomaalida uu ka noqonayo mid ka madax banaan itoobiya inteeda kale, wuxuuna u mahad celiyey raisul wasaare Abiy Ahmed oo uu sheegay inuu abuuray isbedel mucjiso ah.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Jabhada ONLF oo ku sugnaa dalka Eritreya ayaa dhowaan dib loogu celiyey magaalada Jigjiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar ku qaaday Ceeldheer iyo ciidanka dowladda oo jawaab ka bixiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda qaar kamid Warbaahinta Taageersan (Sawirro)

Cabdi Cade

Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday Masjid ku yaalla..

Caydiid Ali