Nin doonayey inuu dad badan laayo oo lagu toogtay Magaalada Charleston

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka ayaa toogtay nin rasaas ku furay dad ku sugnaa magaalada Charleston ee gobolka West Virginia.

Dennis Butler, oo 37 jir ah horeyna la sheegay inuu galay dambiyo waaweyn, ayaa la dilay ka dib markii uu beegsaday dad ku dhow 40 qof oo ka qeyb galayay xaflad dhalasho ah.

Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Tony Hazelett ayaa sheegay in falcelinta degdega ah ee haweeneyda ay badbaadisay dad badan lagana yaabo inay ka hortagtay in ninkaas uu dad badan laayo.

Waxay ku soo beegantay dhacdadan iyadoo Mareykanka ay ka taagan tahay dood qaran oo ku saabsan hubka ka dib toogashadii ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Texas oo lagu dilay ku dhowaad 20 caruur ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -