Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Askar lagu laayey qarax ka dhacay duleedka degmada Baraawe (Sawirro)

Askar ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxa ayaa mid lagu aasay bar kontrol oo ciidamada DF ku leeyihiin degaanka Ambareso oo 5km Koonfur kaga toosan degmada Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya in Saddex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ay ku dhinteen qaraxaas, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo kale oo ka tirsan DF ayaa ku baxay goobta uu qaraxaas ka dhacay oo burbur xooggan uu soo gaaray, iyagoo halkaas ka daad gureeyey meydadka iyo dhaawacyada askarta waxyeelodu soo gaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan oo ka hadlay sababta Somalia loogu doortay xubinimada Golaha Amaanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo loo keenay Dhambaal laga waday Madaxweynaha kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamo Gadoodsan oo lagu arkayo Xaafado katirsan magaalada Kismaayo 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---