Sacuudiga oo Xayiraad dhinaca Duulimaadka kusoo rogay Dalal Soomaaliya ku jirto

Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan duulimaadyada dalkooda imaanaya looga mamnuucayo ilaa 16-dal ay ku jirto Soomaaliya, xilli Soomaali badan isku diyaarineyso in ay u safraan Sacuudiga si ay usoo gutaan acmaasha Xajka.

Qoraal kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in go’aankan cusub ee duulimaadyada dalkooda imaanaya looga mamnuucay 16-ka dal ay sabab u tahay faafitaanka cudurka Covid-19 oo mar kale soo laabtay.

Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Sacuudiga ayaa maalintii Sabtidii shaacisay 414 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19, taasi oo shan jeer ka badan tirada kiisaskii la arkay bilihii March iyo April.

Waddamada xayiraada lagu soo rogay ayaa kala ah Soomaaliya , India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Dowladda Sacuudiga ayaa laga yaabaa in isbadal ku sameyso xayiraadan dhinaca Socdaalka ee soo rogtay, waxaana Soomaaliya hada kamid tahay goobaha uu ku yaryahay cudurka Covid-19 muddooyinkii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -