Qorshe xilka looga qaadayo Madaxweyne Laftagareen oo Socda iyo Sodogiis oo xog bixiyay

Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan oo sidoo kale ah xildhibaan katirsan golaha Shacabka ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho ka bilowday abaabul la doonayo in xilka looga turo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Mahad oo sidoo kale ah Sodoga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan ka dhacay Baydhabo ka sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii reer Koonfur Galbeed uga hortagi lahaayeen abaabulka socda ee xilka looga tuurayo Laftagareen.

Waxa uu sheeay Xildhibaanka dadka wada abaabulka xilka looga tuurayo Laftagreen in ay yihiin dad ka yimid qurbaha oon la socon dhibka laga maray dhismaha maamulka ,waxa uuna cadeeyay in ay la dagaalayaan cidii isku dayda in ay carqaladeeso jiritaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Warkan ayaa soo baxaya xilli shalay uu xafiiska Madaxtooyada la wareegay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh la socda siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo kan Galmudug ayaa laga cabsi qabaa in xilka laga tuuro iyaga oon waqtigooda dhammaan, waxaana labadan Madaxweyne si aan ganbasho laheyn u taageereen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -