Golaha amaanka ee Q/Midoobay oo kulan xasaasi ah ka yeeshay Xaalada Somalia

Xubnaha Golaha amaanka ee Q/Midoobay ayaa maanta kulan xasaasi ah ka yeeshay arrimaha Somalia

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo khudbad ka jeedinayey shirka Golaha Ammaanka ee ka furmay magaalada New York ayaa soo hadal qaaday kulankii uu dhawaan la qaatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ka dhageystay yoolalkiisa dhow

“Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa mid diyaar u ah inuu la shaqeeyo dawladda cusub si loo taageero yoolalkan la wadaago.” ayuu yiri James Swan.

Sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in “Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso.

“Dalku waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn oo macaluul ah degaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn.” ayuu sidoo kale intaas ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -