Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo oo Muqdisho lagu saxiixay

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa goobjoog ka ahaa munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho isla markaana lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS, mudanayal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, ayaa marar badan la saxiixay, mana jiro ilaa hadda wax dhismo ah oo lagu bilaabay dekadda , waxaana hadda la qorsheenayaa in la dhiso dekadan si shaqo loogu bilaabo.

 

Related posts

Magaalo loo tixgaliyo in ay kunool yihiin dadka ugu Cimriga Dheer Caalamka !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Zelensky oo gaaray Mareykanka, lana kulmay dhigisa Joe Biden (Sawirro)

Caydiid Ali

Qeyb Muhiim ah oo lagu kordhiyey xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---