Jubbaland oo ka hor timid go’aan ka soo baxay Xukuumada Somalia (Akhriso)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Jawaab ka bixisey qoraal horey uga soo baxay Wasaarada Waxbarashada dowlada federaalka Somalia

Wasaarada Waxbarashada Dowlada federaalka ayaa soo jeedisey amarna ka dhigtey in ardeyda ka qalin jabineysa fasalka 4aad ( Form 4) ee dugsiga sare ay waajib ku tahay in galaan labo imtixaan kuwaasoo kala ah midka shahaadiga ah ee wasaaradu qaado iyo mid ay qaadaan dalladaha.

“Wasaarada Waxbrashada iyo tacliinta sare oo fulineysa Amarka madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caddeysey inaysan ardeyda Jubbaland gali doonin labo Imtixaan oo ay galayaan imtixaanka shahaadiga ah oo kaliya , ayaga oo wasaarada waxbarashada federaalka ka codsadey inay go’aankooda dib ugu laabtaan maadaama aysan jirin sabab qasneysa in labo imtixaan la galo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -