Taliyaha AFRICOM & danjiraha Mareykanka oo booqday garoonka Berbera (Sawirro)

Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend oo uu weheliyo Safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia Larry André ayaa booqasho ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera.

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha ciidanka Ilaallada Xeebaha Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax oo hoggaaminaya masuuliyiin kala duwan oo ka mida Dawladda Somaliland.

Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend oo uu weheliyo Safiirka Maraykanka ayaa ku soo wareegay qeybaha uu ka kooban yahay garoonka oo dhowaan si casri ah loo dhisay.

Waxay ku amaaneen madaxda Maamulka Somaliland sida wanaagsan ee ay u dhiseen garoonka dayuuradaha Barbara.

Mareykanka ayaa go’aansaday inuu iskaashi dhow la yeesho maamulka Somaliland ka dib booqashadii dhowaan Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Washington.

- Advertisement -