Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjiraha Somalia ee QM oo dacwad ka gudbiyey Wiil uu dhalay Marxuum Eng. Yarsiisow

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Baalle ayaa la soo sheegayaa inuu dacwad ka gudbiyay Wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo lagu magacaabo Maxamed Abdirahman Cumar kaasooo Xoghayaha koowaad ee Ergada Soomaaliya u fadhida UN-ka

Abuukar Baalle iyo Maxamed C/raxmaan ayey wararku sheegayaan iney isku qabteen shir uu dhowaan ka qeyb galay Maxamed C/raxmaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Abuukar waxaa uu u gudbiyey dacwad, taasoo uu xusay in aanay wada shaqeyn karin.

Dowlada Somalia ayaa xalisay isku dhac hore ee labada masuul dhexmaray sidan oo kale

Maadaama uu kordhay isku dhaca labada masuul ayaa waxaa laga yaabaa in Maxamed C/raxmaan loo wareejiyo safaarada Soomaalida ee Washington ama xarunta QM ee Geneva sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

 

Related posts

(Sawirro) Farmaajo & madaxda dowlad goboleedyada oo kulan kale iskugu yimid

Caydiid Ali

Nin guryo kuyaalla Muqdisho awood ciidan ku burburiyay oo la xiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Meel ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---