Taliyaal Ciidan, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo xil ka qaadis wajahaya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah xilka ula wareegay, waxa uuna Madaxweynaha saacado gudahood ku magacaabay agaasimaha Madaxtooyada, kuxigeenkiisa iyo sidoo kale lataliyihiisa Amaniga Qaranka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in shaqooyinka ugu horeeyo uu qaban doono ay noqon doonaan sidii meesha uga saari lahaa taliyaal ciidan iyo masuuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir .

Xubnahan xil ka qaadista wajahaya ayaa u badan kuwa si cad ula saftay muddo kororsigii Farmaajo sidoo kale aad ugu ololeenayay dib usoo laabashadiisa, waxaana xubnahan horey u lumiyeen kalsoonida dadka Soomaaliyeed.

Taliyaasha xilalka laga qaadayo ayaa waxaa ugu horeeya kuwa Milatariga iyo Booliiska, waxaa sidoo kale isna miiska saaran xil ka qaadistiisa guddoomiyaha gobolka Banaadfir Cumar Finish, iyadoona laga arrinsanayo cida lagu bedelayo xubnahan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa shan sanno kahor markii uu xilka la wareegay dhammaan xilalka ka qaaday masuuliyiintii iyo taliyaashii la shaqeenayay Xasan Shewekh ,waxaana hadda la filayaa tallaabadaasi mid ka ag dhaw.

Xasan Sheekh Maxamuuda ayaa la lagu wadaa in xubno aad ugu dhaw dhaw iyo kuwa si weyn uga shaqeeyay dib u doorashadiisa ku abaal mariyo xilal kala duwan, waxaana isha lagu heyn doonaa sida Madaxweynaha usoo dhiso dowlad cusub oo kalsooni heli karta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -