Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xiisad ciidan oo ka taagan jidka u baxa garoonka dayuuradaha Boosaaso & ciidanka PSF oo..

Xiisad ciidan ayaa ka taagan maanta jidka u baxa Garoonka Dayaaraha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari taasoo u dhexeysa ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland

Goob joogayaal ayaa sheegay in xiiada ay dhalatay ka dib markii ciidamada Badda Puntland ee (PMPF) ay jareen qaar kamid ah dhir ay ciidanka kale ee PSF loo yaqaan ku beereen jidka Garoonka Diyaaraha.

Ciidanka Badda, waxa la sheegey in ay dhirta u jareen si xayndaab silig ah ay ugu sameeyaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso

Hase ahaatee waxaa talaabadaas ka biyo-diidan ciidanka PSF oo iyagu dhirtan iyo kuwo kaleba ku beerey jidadka muhiimka ah ee magaalada Boosaaso.

Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa wada dedaalo lagu xalinayo khilaafka soo kala dhex galay labada ciidan oo mar ku sigtay iney dagaalamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano kasoo cararay magaalada Kismaayo oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay Xil ka qaadistii R/W Kheyre

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo maanta safar dibadda ah u baxaya iyo xog ku aadan ujeedfka Socdaalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---