Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Raisul Wasaare Rooble kala soo laabtay booqashadii uu ku tagay Imaaraadka? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dalka isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble intii uu joogay Imaaraadka, waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay  ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan  gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa cusub oo u billowday Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka

Cabdi Cade

Dibad baxyo waa weyn oo qaarkood rabshado wataan oo ka socda magaalooyin Kenya katirsan

Cabdi Cade

Milatariga Sudan oo inta badan la wareegay Khartuum iyo sifeyn socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---