Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo maanta safar dibadda ah u baxaya iyo xog ku aadan ujeedfka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda  lagu wadaa in ay u ambo baxaan dalka Jabuuti , halkaas oo la filayo madaxweynaha in uu kusoo xiro shir ka socday

Sida aan wararka ku helnay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti kulamo kala duwan la filayaa in uu la qaato madax katirsan dowladda Jabuuti .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safarkiisa Jabuuti uga sii gudbi doona dalka Mareykanka , oo uu ka dhacayo shir u dhaxeeya madaxda dalalka Afrika iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.

Shirka ka dhacaya dalka Mareykanka ayaa la filayaa in looga hadlo xoojinta xiriirka u dhaxeeya dowladaha Afrika iyo Mareykanka gaar ahaan xoojinta xiriirka dhinaca ganacsiga ee labada dhinac u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo Magan galyo weediisay Sudan iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble oo ammar isku mid ah siiyay Laamaha ammaanka

Cabdi Cade

Diyaaradaha Dagaalka Ruushka oo bur buriyay Diyaarad Mareykanka lahaa iyo xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---