Shacabka Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay Xil ka qaadistii R/W Kheyre

Hadal heynta ugu badan ee bulshada Soomaaliyeed ee kunool dal iyo dibad ayaa noqotay kalsooni kala noqoshadii lama filaanka aheyd ee Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Magaalada Muqdisho goobaha la isugu imaado sida Hoteelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee fadhi ku dirirka ayaa hadal heynta ugu badan noqotay xil ka qaadista Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Inta badan shacabka magaalada Muqdisho ayaa aad uga soo horjeeday xil ka qaadista Baarlamaanka sameeyay iyo go’aankii Ra’isul Wasaare Kheyre ku aqbalay kalsooni kala noqoshadii sida fudud ku timid ee Baarlamaanku ku sameeyay.

‘Waxa ay sheegeen shacabka Muqdisho in barnaamijjkan xila looga tuuray Ra’isul Wasaare Kheyre tahay mid loogu gogol xaarayo mudo kororsi uu doonayo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo wali ku adkeesanaya qabsoomida doorasho aan suurto gal aheyn.

Marki aad dhageesato doodadaha shacabka magaalada Muqdisho ayaa badankood u muuqdeen kuwa aad uga niyad jabay waxii shalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka oo xil ka qaadis u muuqatay mid sharci daro ah lagu riday Xukuumadii Soomaaliya.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa inta badan siyaabo kala duwan usoo bandhigaya magacyada rag laga yaabo in Madaxweyne Farmaajo u magacaabo Ra’isul Wasaaraha badeli doona Xasan Cali Kheyre.

Magaalada Muqdisho ayaana si weyn looga dareemayaa kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre iyo is casilaadiisa, waxaana labadii kulanta Muqdisho wax iska weediinayaan waxii shalay dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -